MAANSADII DHEEH QAAD

Inta dhaanka raratee
Hadba dhinac ugurtiyo
Inta dhigatay haamaha
Iyo kuwa kadhoofee
Dhul shisheeye dhaqan degay
Salaan  aad udheeroo
Dhinacyada dhulkegiyo
Galmudug udhidib tahay
Dhalintay gudoonsada

Intaa soo dhoweyniyo
Hadal gogol dhigiisii
Dib hadaan usoo dhaco
Shekadan dhambalkiyo
Dheehqaad usoo galo
Bal dhegeysta caawaan
Xaajada dhamanteed
Idiin kala dhambalayaa

Dheeh_qad sidey tahay
Hadii dhawaqa loodhigo
Cidna lagu dhibateyn
Dumarkena dhiinkaa
Qurixdiyo dhalaalkaa
Marna lagu dhantaaleyn

Waa adoo kudheeloo
Sidii qaadir kuu dhigay
Midabkaadii dhowraa
Dhaliiloo is dhaawaca

Siduu dhaqan ahaan jiray
Dumarkenii dhowraa
Dhaxalbuu lahaan jiray
Iyo wuxuu kudhaashtee
Maxaa adiga kadhigay
Midaan dhaqanba garaneyn

Waa dhambaal kaleetee
Wajigoo dhalaaliyo
Dhabanada casaankaa
Iyo gacanta dhuxushaa
Miyaad qurux kadhigataa

Dhuux eeyo laga shubay
Shahwo lagu dhameys tiray
Kiimikana udheertahay
Miyaa dhalaal ka,goobtaa

Mise dhididka gaaladu
Qolofyada dhiteyeen
Iyo dhixirka hoosaad
Subag dhaafsaneysaa

Maarin dhalaalkiyo
Sidey hooyadaa dhool
Kugu soo dhabsaartaad
Dhumisaa dharaar qura

Jirkaadood kudheedhaa
Waa  dhaawac noolo
Naftu aaney dhicin wali
Xaal dhuunta marayoo
Dunidii dhamaad tahay

Diinta kuwa Ku dhaatoo
Dhowrsada ayaa jiray
Dhaqankeena bilaniyo
Hidihii dhignaa jiray
Ayey dhabarka haayaan
Cidna soo dhoweyniyo
Sooryo ugama ey dhigin
Dhul shisheehe lama tegin
Dhaqan xumona mey baran

Mida kabaha dhaadheer
Xiratee dhaqaaqdee
Tinta dhinac ka jaratay
Miyad horumar dheriyo
Qurux dhigan kadhigata

Yarta dharka qafiifkaa
Xiratee is dhuujisay
Jirka dhexda baneysaay
Dhabarkaa madow iyo
Wejigaad dhayeysaa
Dhudaadii wacneyd iyo
Sow jidhkaadi maaheyn

Adoo dhilay jidkaadii
Qeybi dhuxul madow tahay
Inaan dhambaal wadaagnoo
Aroos aan  kudheelnaa
Waa anoo dhintoo hooy
Budii hoose ley dhigay

Inaan kula dhaqaaqoo
Dhambaal kula wadaagaa
Waxay iiga dhigantahay
Anoo dharka dhamantii
Inta dhigay dharar duhur
Laamigaa dhex qaadee
Dadku isoo dhoweeyeen

Koley dhibaatadeediyo
Wixii dhaawac kugu dhaca
Dhaqtar tolaya muu dhalan

Hadal kuu dheeyoo
Xaajada dhamanteed
Dul-dhabaha kumeeraye
Waxan idinku dhaan furay
Dhaliil waxaad kaqaadee
Waligaa kadheeraaw

Yarka dhowrsan waayee
Dhawaqiisii dheeraa
Dhaleceynta mooyee
Dhiiri gelinta waayow
Dhabadaad kusocotiyo
Godka dhigan adon garan
Indheer garad dhameystiran
Shaxda lalama dheelee
Intaan shiishku kugu dhicin
Bal garwaaqso dhaantada
Sacabkeedu dheryahay
Murtidaa dhextaalkaa

Post a Comment

0 Comments