Gabayo la isu geeyay

Aduunyadu Daar un weeye
Lagu sugo Doonaha naftada
Adoo Daaloo harraadsan
Dikaanka xanuun ku haaya
Adoon Cidna Deyn ka qaadin
Dadkale Dilin waayahaaga
Nin baa jira Doodahaaga
Daneeyoon Doonin muuqa
Wanaagiyo Doorkad leeday
Ragbaa jira Diida jeer un

Waxaan ahay ruux Daneeya
Daryeelka naftaadan Daallan
Ma'ihi ruux kuu Dabaaya
Nacabka dhiigaaga Dooni
Ma'ihi xasad soo Daneystay
Dafiyo tuug maahi goorna
Xoolaha maatada ma Duugto
Dan guud anigoo arkaaya
Mid khaas abid uma Dulloobo
Doqomada Daryeel masiiyo

11111111111111111212111

Waxaan ahay nin laaciba
Lugta bidix ciyaaroo
Lixdan jeer markaan cuno
Ayaan laba kadhaliyaa

Waxaan ahay nin laaciba
Kolkaan leexsadee rido
Laadkeyga xoogale
Hawadaa ku lariyaa

Waxaan ahay nin laaciba
Shabaqana laderisoo
Sanadkii lix jeerbaan
Luka modric gooyaaa

Waxaan ahay nin laaciba
Leo messi necebyoo
Lukaku kadaranyoo
Lalaaniyo lameeliyo
Lampard kacararaan

Waxaan ahay nin laaciba
Duni laga yaqaanoo
Liverpool daneysoo
Arsenal layaabtoo
Lacag aad ubadanoon
Laba tirinin waligeed
Baariis kudoonee



33333333333333333333333



Adunyadu dhibaatiyo
Waa dhamas lagu dhigay
Hadba dhinac uguurtiyo
Dhaan rarato weeyaan
Daruuf dhigato weeyaan
Marna kuu dhameys tiran

Intaa waa araar dhigan
Iyo hadal dhameys tiran
Dhab hadaan uso dhaco
Xaaladaan dhanbaalkaa
Hadba Dhinac kadhabab tiro

Jaceyl waa dhadhama bas
Dhibaatiyo haraad badan
Sintiyaasha dhuratoo
Ka dhowrtaa dhaqan wacan
Afrikan dhamaatoo
Sidii dhuxul madow badan
Yey kugu dhaheysaa
Dhashii yuusuf weeyaan

Marna waa dhibaatiyo
Dhaawac adiga kugu yaal
Dhayid raba dharaar idil
Dheeftu wey udarantee
Iska dhowr dhamanteed

Ilaa dhudi lasoo helo
Aros dhamaca loo dhigo
Cayaar aad Ku dheeshaan
Saqda dhexe habeenkii
Dhalan dhool bilawdaan
Isku soo dhowaashaha

Intaad dharka dhamantii
Kataban ku dhoobtaan
Isku soo San dhabataan
Dhexda leys la dhaafoo
Hadba dhinac utuuriyo
Dhabash dhabash bilawdan

Dhowr saacadood iyo
Daqiiqada dhamantood
Markey soo dhamaadaan
Intaad aad udhididaaan
Walibana dhalaashaan
Caanaha ma dheregteen

Qaboojiyaha noo dhiib.
Dhawaq meysku orateen
Dhuuxii kudhaafiyo
Welka waxad kudhanisay
Dhabar xanuun maqaadaa

Xilli dhexe aroortii
Adigoo dhacsaal qaba
Xalay soo dharaan dhiray
Beer dhanan yar lagu daray
Dhaay geel koley tahay
Dhudidaad jecleyd ee
Xalayloo dhameystiray
Meysku kaa ag dhobtaa
Adna meyska dheregtaa

Shaqo ma u dhanbaashaa
Kolkaad soo dhameysona
Hadiyado dhameys tiran
Ubaxyada dhalaalkale
Dhudi masoo ag dhobtaa






4444444444444444444444

Ga,da maanso waatan kaharay gebi ahaanteede

Ma gorfeynin maalmahanoo wan ka gaabsadaye

Qalbigeyga wax gubayaan rabaa inaad garataaye

Bal garwaaqo waataad aheyd ruux garaad badane

Dareenkeygu wuxuu gocanayee laabtu la gugceyso

Gogoshaan fariistoba waxaan gadood uga guuro

Ayunbaan soo gudbinahayaa waan la googo'aye

Garta naqa abwaanow waxaan gefona ii sheega

Afartaa Araar go'an iyo gabay bilaawgii dheh

Afar kalena aan soo gudbiyo gaaxibaan ahaye

Dhulkeenna garaashyada noqdiyo meela laga guuray

Gooba geelu fariistiyo dhulkad gelgelima moodo

Dhulkaa gacaladii nacdee gaalku lawareegay

Dadkiisii gawaan raa noqdee galbeed utahriibye

Garaadkiyo xiskiisii dadkaa goor hore lawaayay

Gabaad li'i dadkaa baaba'ee cidi u gargaarin

Gumeystuhu dadkuu dhaansadee guudka raranaayo

Allahayow gacantaadabey sugi gooriyo ayaane

Galladiyo waxay kaarabaan gees istaag qurahe

Garab qabo cidaad toosidaan gaabis ku imaane

Afartaa godkii aan larabay iyo gasheedii dheh

Afarkalena aan soo gudbiyo gaaxibaan ahaye

Gudcur taagan waxaan joogno ee guura soconaaba

Halaqyada gurguuranahayaa waxey noo gambanayeenba

Xornimada waxaan goobno ee hurdo gam'I weyno

Guhaadiyo waxaan ciil qabnee nalaku gaar yeelay

Sidiibaan gablaniyo unahay duul la gaasiraye

Sidbaa gees iyo kagees dhulkii gaalku maamulane

Inaguna gamasanay sidaan libin ku geeraarnay

Kolkaabuu gaaskiyo waxaan laheyn gaalku dhacayaaye

Allahayow gacantaadaban sugi gooriyo ayaane

Galladiyo waxaan kaarabnaa gees istaag qurahe

Garab qabo cidaad toosidaan gaabis ku imaane

Afartaa godkii aan larabay iyo gasheedii dheh

Afar kalena aan soo gudbiyo gaaxibaan ahaye

Umadyahay gabaadkey dhigtan gor walba halaabi

Dabadeed gumaadkiyo kunool gumeysi Hoskiisa

Gacalkiyo xigaaladu intey gaar isula showrto

Go,aan adag intey soo dhigtaan guud ahaan idilba

Garcadaaga talinhayaa intuu gumaca liishaamo

Dhalintuna garab siiso ee gantaalka gig siiso

Guul wacan ayaan heli laheyn gebi ahaanteede

Allahayow gacantadaban sugi gooriyo ayaane

Galladiyo waxaan kaarabaa gees istaag qurahe

Garab qabo cidaad toosidaan gaabis gaabis ku imaane.

Afartaa Godkii aan larabay iyo gasheedii dhe

Afar kale aan soo gudbiyo gaaxibaan ahaye

Halgankuu sayidkii galee gaalka lagu laayay

Halgankuu geesigii gurey guudka ku ilaalshay

Halgankey soomalidii gashee geyiga xoreeyay

Halgankii gabaniyo mid weyn geed isugu geeyay

Halgankii gabdha yar yar asaay guudka uga tuuray

Halgankey gabyaayadu jecleyd dhiiri gelintiisa

Halgankey gaaladu baxdee xornimo geeraarnay

Gacantenna halgankii kabaxay goor lawada joogto

Galab qura ninkii Keenabaan geesiyow dhigaye

Allahayow gacantaadaban sugi gooriyo ayaane

Galladiyo waxaan kaarabaa gees istaag qurahe

Garab qabo cidaad toosidaan gaabis ku imaane



555666666666666665555555555

Si kastaba waxaan doonayaa weyga sii tegiye

Seben dheer waxaan soo mareen sahal kusoo dhaafay

Ayaan saaka doonahayaa sida xaqiiqdaaye

Soomaliyoo samaan dooratoo silaca ka dheeraatay

Oo samadaa gaadhaybaan abid sugeynaa dheh


999999999888999
Waxkastoo bilaabihi
Hadey Baraka yeeshaan
Bud-dhiggii horeetiyo
Awalkii bidaayaa
Bismillaahi loo Yiri

Bololyoow Nimuu dilay
Wuxuu baafinaayona
Waa hore balaabeen
Oo baahanbaan ahay
Cid I baanisaan jirin
Bisadaha sidoodii
Ama ey banaankiyo
Boorkaa dhex jiifaa
Balaq la iigu tuuraa
Kolkaabaan bashuqshaa
Anoo mooda beer iyo
Buskud walad macan badan

Birrigaan kunoolahay
Baalihiisa oo idil
Shidaal beerka yaalliyo
Macdanbaa la buuxshoo
Laga dhigay banaan yaal
Boqolaal Sanoo tegay
Dadkeenani ka baahnaaa
Illeen waxaadan baran jeer
Dadku badi kajiifeen
Cidi kuma tiraa bood
Bogso intaan la baafiyin
Lagu baahin dunidaan

Hadaan beyro ee tago
Dhanka kale bayaaniyo
Badu baaxad weynaa
Biyaheedu badanaa
Qeyraadka bilan ee
Gudaheeda buuxaa
Haduu yahay balaayiin
Anaguna ka baahnahay
Waa bele ogsoonoow

Soomaalaay boqoolkiyo
Tahriib loo bareeraa
Boqolbuu dhameeyee
Cilmi Baaris yeeshoo
Macdantan la soo baxa
Baahidiyo harraadkiyo
Jahligaa butaacee
Dadku badi lajiifaan
Cirib tira balaayada

Baariis uduuloo
Barcelona soo mara
Baarliinna eego
Badi Waashitoon taga
Qadar baalaheediyo
Bakistaan yar daawada
Dhulka boontu joogtiyo
Sucuudina bal Fiiriya
Beyd waxay ka taageen
Balaarsheen biyaanada
Bilic aad u dheeriyo
Dhal dhalaal ka buuxshen

Hobya baallaheesiyo
Maxaa diiday beledweyn
Boosaasa beerlula
Baraawiyo hargeysiyo
Beled xaawo yaanacay
Baxsan guri barwaaqiyo
Baran hoogga yaa baday
Barbariyo bu,aaliyo
Buuhoodle oo idil
Yaa banaadir daaraha
Beeraha nasiinada
Bal u diiday iisheeg

Dhulkoo baaxad weynliyo
Baabuur wax qaadiyo
Injineer bineyn kara
Dabaqyada bidhaantale
Boqolaal isdaba tixan
Lama weynin beri qura
Waxse beladu qaadoo
Hurdo baacsi mooyee
Aan garanin beyr kale
Bulshadeenan weeyoo
Dadkeenani bariiskiyo
Baastada cun mooyee
Mayaqan cilmiga baar
Baratanoo aroor hore
Baqool oo aduunyada
Wax laqeybso beri qura

Boqorow allahayow
Bi,isada naheysee
Bixi waaga noqotee
Sodon bilatay beri hore
Adaa baajin kara jeer
Dadkeenaan bukaankaa
Adaa shaafi kara beri
Balaayiin israacdiyo
Bulsho wacan ka dhigi kara
Boqortooyo weynoo
Laga baqo aduunyada
Adaa biriq sideedii
Jeer ugu bedeli kara

Boqorow allahayow
Bulshadoo israacdoo
Boholyowgu daayoo
Intey banaan yimaadeen
Alla bari sameeyooo
Waxay kaa baryeen iyo
Barwaaqadii haleeloo
Bashaalabaan sugi

Boqorow allahayow
Dowlad Barakaloo wacan
Umadana baxnaanisa
Dhaqankana badbaadisa
Ayaan kaa baryeynaa




8888888888888888888

adunyadan dhamadkaa
marba dhinac ugurkaa
dhibatada laderiskaa
dharaarti timaadaba
dhankedu raranyahay
waxa dhabaqshay nabadii
dib dhigay dalkenii
dadkan dhoohan weyaan.

dhadhab weeye aan dhiman
midba dhinac uguur iyo
dhaxalbuu tirsanayaa
kolkii loo dhowaadona
dhamacbuu dhawaq iyo
kaaga dhigi dhambaal dhigan
hadal kale warkii dhaaf

dhulkenan dhibatadu
usoo dhigatay kooraha
dhirtisii ladharaqsaday
dhaxalkii awoowiyo
dhaqankii ladhala loragay
dheftii ladabar jaray
dhibka yaa usoo diray
aarkii miyuu dhaxay.

dhulkan aad ujedaa
dhalin yaro umey dhalan
dhawac yari kulama dhicin
haben qura umey dhixin
dhimashana iskaba dhaaf
dhaxal hore haduu jiray
dhurwayadaa cunaayoo
dhigena dhuqaa
inaguna weyska dhiman.

dharab da,ay dhigaal male
dhirtan aad ujediyo
dhuxushuba dhiteysiyo
dhoofinbey kuroonyihin
dhaawac aan bogsooneyn
dhaqtar laguma daalshee
dhinacaada dhoofsoo
dhankada kaba raro.



99900000000000000

Da,da gabayga maansada
waatan dulmari jiray
ruuxii daneya
marna aanu deyn jirin
Da,yartii dalkeygay
waxan udoortayu
daraadina weeyee
maqalkiinan doorka
jeer qura ideymiya

Aduunyadaad ujedee
diyaarahada kuduushaye
samada deyrka dhigatiyo
waxa aan daneyaa
darenkeygu daba galay
dayaxaa dushiisiyo
dadka degay hawada sare

@ ruuxa falay dariqaas
dunidaan kasara maray
dadka kale kacaan baxay
da,yar maskaxle weyaan
adinkuna dadaalo
dawarsiga nadaashday
dabarkiisa ila jara

@ dhalintii dalkeygay
hadii aad dadaashan
qabyaalada na_dashatay
hadalkeda deysaan
dabar weyn kugoysaan
isku duubni doontan
cidi naguma daashen
daqashya weynta gaaladu
doqomey namoden
inagaan dadaaline
gudcur nama duljoogen

doqon gala raac_ahe
darenkisu lacag yahay
dalka haduu kunolyahay
inaan deyno maahe
waa inaan dab weyniyo
dogob isu dulsaarnaa
weynan daneynine
dulli nama dhex jiifeen

@Hadeyaan dadaaleyn
dadka horu markisiyo
dunidaba labara tamin
inaan damacno duni kale
Doqonimo cad weyaan
da,yartii dalkeygaay
dantu inaan dadaalniyo
hurimee dareen cusub

@ Qalbi daxali goysan
dunidaan lajoognaa
hadeynaan isdaba qaban
umad wada dayacanoo cidi
Daafaceyniyo waxaan nahay
dad dabar go,ay

@ Daabadan daciifkiyo
doontan duleshee
bada nala dulmeree
cidi daaya oraneyn
doqonimo Naheysiyo
damir xumida weyee
da,yartii dalkeygiyo
dadkii aan jeclayow
door aan tahriibniyo
dagaal Waan ka daalnaye
inaan horumar doonaa
dan miyey inoo tahay

@ Soomalaay ma doorbaa
ma danbaa ma daawbaa
daqarda inagu dhacay
dawo inaan u doonaa
Dadkeygow macebaa

@ Dameer lagu qaraabtoo
malabkaa dushiisiyo
marna aanba garaneyn
dawadiisu waxay tahay
Kolka uu duqoobona
looga tago dariiqyada
naftu sidaa kudeysoo
dabadeedna lagbaan
Dadkeygow la doornahay

@ Soomalidaan jeclaayey
dad isdoortayban nahay
isku diinabaan nahay
dal qura wadaagoo isku
dowladaan nahay
inaan deyn horeetiyo
dagaal aan dhamaneyn
isu daba istaagnaa
dadkeygow madiinbaa

@ daa,inkii makhluuqow
duni kii abuuree
duunyada dhex keenow
dadka awood ugaariyo
darajada usoorow
dibna lagu tilmaamiyo
midab kaan laheynow
daaficul qur,aaniyo
diintii kii daryelow
soomalidan isdiidane
qoloba deyrka xiratee
uu dihaalku kala galay
Isla doon allahayorar



000000000000000000000

Waxaan ahay nin taajira
Tacabkuu sameeyana
Tira uu malaayiin
Toban jeer kabadanyahay
Kolna tabar la'aanoo
Tuugsina udheeryoo
Dadku taakuleeyaan

Waxaan ahay nin taajira
Tolkiisuna dhowrto oo
Tafaha lacag buuxsadoo
Taarikhduna ey xustoo
Tiigsina meel sare hamiya
Waxaan ahay tab xumi
Takoorka ku caan baxoo


4444⁴44444444444444

Shan kun iyo shan jeer intan shaaca kaba qaaday

Intaan shuruuc keenay waxaan shekhya ka adeejay

Shaki la,aan waxaan sheegay ee meela badan showrshay

Shirar guud waxaan geeyo ee shaahid uga yeelo

Kolba shaar waxaan geliyo ee sharraxaad bixiyo

Wax shabaha waxaan diido ee dhaaxa shaaciyoba

Allahayow adaa shaafin kara waxaan shesheeganaayo


3888 the 8De 8is 8the 88

Dadka taan ka doortay
Dawadii nafteydaaay
Anba waan dareemaa
Jaceylkeena doorkaaa
Waxse dood madiidaa
yaan kuba dareensiin

Dar allee macaaneey
Wuxuu daain naga dhigay
Labaaan daar koley tahay
Degmo aan kunooleyn
Dabar uu dhexyaalloo
Kala jira daliyo dacal

Kolkaan duulo ee tago
Degmaad kunooshiyo
Halkey derintu kuu taal
Samadaa dusheediyo
Dayaxaan degeynaaa
Jaceylkeena duur galay
Dusha saaraneynaaa

Aroos lagu dakeeyoo
Dadku ey jeclaadaan
Dunidana kacaaanoo
Diirsanbaan dhigeynaa
Dar allee macaaneey
Mudo ii dulqaadoo
Dadku yaaney maqal jeer
Doodaaa dhexdeeeniyo
Oraahyada inoo dedan

Nacab dabinna aasoo
Darxumada yaqaanoo
Misna diradiraalaa
Yaa jiree dareenoo
Hala doodin goornaba
Cidna sheeka daabacan
Ha u dirin fariimaha

Dibnahaada xira oo
Isha waxaad ka diidaa
Doqon soo deneystiyo
Ruux su,aaala doonoo
Aqalkeenna dumitiis
Wacadkeen udaba jara

Inkastoo dad laayoo
Qeys dilay Leylana diray
Cilmi uu ku darayoo
Dadkii hore dhamaadeen
Waxaan kaaga digayaa
Inuu adna ku dabo oo
Diiwaaan kugeliyoo
Lagu duugo goor gore

Jaceyl daawa Male oo
Marbuu doon ku saaraa
Adigoon dabaal barman
Badda daakhilkeediyo
Ku dhigaa daleel maran
Saaxiib daacadoo wacan
Yuu Dira diraaliyo
Kaaga dhigi mid kuu daran

Marbuu daqar walaaliyo
Dadkaleeto dhiigii
Dibnahaada surayaaa
Dabadeed daruufiyo
Kubadaa Danuub daran
Misna duni kudhaafshaa

Waxba yaanan doodine
Hadal waxan Ku dabarjaray
Nin jaceylku daashaday
Dumar kale waqii arag
Dadweynuhu yaqaanaan
Inuu adi Ku doonoo
Waxan ahay Ku daawada


8888888822888282828


Allahayow adaa maaligoo koonka Maamula'e

Mucjisiyo adaa keeni kara lama maleeyaane

Siduu maanku rabo iyo maqal samaanteenna

Soomaaloo makaan qura degtoo wada mushaxeysa

Munkarkiyo dagaalkana jartoo moowle u inimceyay

Oo wada midaan doonayaa eegan maanta ahe

Madax suuban misna midoo muwaafaqa heysa

Maskax toosan miisaan rageed midig miciineysa

Maal hagaagsan xaaraan ka maran mirif dhibaateysa



88888888888888888888888888888888898888

Hadaad tahay madow iyo
Nin balaaga wiil yahow
Anna white inaan ahay
ismac oo ogsoonaaw

If you are a poor man
Anaa ganiyun saaxiib
Waxse aad iloowdoo
Forget aad katahayban
Kuu akhbaar gareeyniye
Listen me werkeygoo
Welcome oro yariisoow

Walow aan kujecelahay
My dearna aad tahay
I love you ma dhahayee
Axbabtukun sa uxibuk
But you are a sawirman

Anaa liidher saaxiib
When ra,eytu sawiruka
Fil Facebook macaanow
Shere baan dhahaayoo
Like waan ilaaabaa
Commentska dhexdiisana
Macal asif jamiil iyo
Goodbaan qoraa ee
Allow dhaayda kaa haay

When from arooskeen
Manzilkeenna gaarnoo
Peopleku naga tago
Shabaq aan ilaalshaaad
Koornooyin dyaadheer
Bulisyoon kutuuriye
My dear ogsoonaaw

Kullu night dhamaantood
We are plying saaxiib
Alkurati macaaanoow
Kol ey tahay sariirtiyo
Compoundhiba hanoqotee
Nin months dabadeed
Horyaalkeynu qaadnaan
Udabaal degeynaaaaaa


999999999999999999999999


Sadax saac marey tahay
Yaa sariirta gaaroo
Dharka siiba idilkiis
Tartiib soo dhowaadoo
Dbabanada salaaxoo
Hoos usoo socdaaloo
Tartiib xabadka seexdoo
Horaadada ku saaqmoo
Saableyda oofaha
Xuduntiyo salkeedaba
Saliid uun marmariyoo
Soo gaara surunkiyo
Laba suul dhexyaallaha

Kadib suluxtan dheeloo
Sadax saac gadaasheed
Buuqiyo sawaxankiyo
Saaxiiboow macaanow
Sidan waan jeclaadee
Siwaad yaad ku orataa

Subixii marey tahay
Dadka soo jermaadayu
Suaal mey kuwaalaan
Xalay maxaad sameyseen
Seexan weeynay awgiin
Adigoon jawaab siin
Sixun hoos ma eegtaa
Adoo saaqsan gebigaa
Saaxiibku wacanaa
Xalay wuxuu sameeyey
Dadkii isoo su,aaleen
Sowd meysku oratay


9999999999999999999999999

Golihiyo fagaaraha
Geed garasa hoostii
Kolkey gogoshu tallee
Garcadaaga weyniyo
Gabaayada nin tiriyaa
Guud ahaan fariistaan
Gaargaar ushowriyo
Gebi idil ahaantood
Xaaladaha u gaarkee
Gurigooda yaalliyo
Arrimaha la gees maro
Goobta kuma gorfeeyaan
Gudbiyaha xumaatada
Internet ma geliyaan

Waxse gubaya maankoo
Iiga daran gantaaliyo
Gumac iyo warmaha Gaal
Xaajadeenan guuxdee
Caruuraha la gaasiray
Intey gabay kusheegeen
Kadhigen silsilad goba
Kudhaheen gidaadiyo
Gabawara koley tahay
Gurrac waxay kusheegen

Garoowiyo hargeysiyo
Geda iyo kismaanyiyo
Goonyaha jabiitiyo
Soomalida galbeed iyo
Guud ahaan dalkoo idil
Gabanada wax curiyaa
Geeraar kuma iftiinshan
Arimaha la gees maro
Gudbiyaha xumaatada
Internet ma geliyaan


🙏🙏🙏🙏🙏🙏🙏🙏🙏

Dunarka midii xanuunsan
Xabiibti ninkii yiraahdaa
Xalbey uyar noqon xisab li'i
Xakaarka dhibkeeda gaarkaa
..............................................


Post a Comment

0 Comments