Sir Naageed Lagama Sal Gaaro

Maalin Hore Ayaan Kukulanay Si Lama Fi
laan Ah Taasoo Keentay In Qof Kasta Uu Kan Kale Ku Bururo, Sida Inuu Kayimid Meel Uusan Fileyn Inuu Ka Imaan Doono, Balse Dhowr Daqiiqo Oo Sheeko Ah La Iskana Wareysanayay Qof Walba Wixii U Qabsoomay Intuu Kan Kale Moogaay Ayaa Waxaa Dhacday Iney Gabadhii Kedis Ku Dhaqaado,

Waan U Wacay Kadaba Dhaqaaqay Weyna Iga Sii Carartay Waliba Si Orod Ah, Waan Isaga Haray  Oo Waxaan U Weekday Gudashada Arimaheyga Kaleeto, Balse Layaabka Markaleto Aan La Kulmay Ayaa Noqday Iney Markale Ii Imaatay Iyadoo Iska Dhigeysa Ineynan Is Arkinba.

Waxay Bilaawday Iney Iigu Bururto Sidii Iyo Si Kasii Daran Oo Aan Anigu Kashakiyo Inaan Horay Isu Aragnay Waan Lahadlay Oo Weydiiyay Maxaa Kugu Dhacay Oo Aad Iiga Carartay Hadaayay, Wey I Fiirisay Oo Qososhay  Kadibna Wey Iska Baxday Iyadoon Ii Jawaabin,

Waan Yaabay Waliba Anigoo Yara Xanaaqay, Habenkii Aniga Oo Magaalada Mushaaxaya Ayaa Mar Qura Whatsapp-Ka Sawirro Iigu Soo Dhaceen Waan Eegay Oo Waaba Galabta Iyo Markaan Isku Burureynay, Aad Ayaan Ugu Xumaaday  Waxaan Weydiyay Yaa Qaaday Maxadse Dan Ah Oo Aad Kalaheyd,

Waxay Kujawaabtay “ Waxaan Ku Qancinayay Nin Aan Sheeko Wadaag Nahay Kaasoo Aan Kala Kulmay Waxyaabo Aan Ii Qalmin, Waxaana Ugu Shekeyay In Aabahey Nin Igu Daray”,

Waxan Ku Celiyay Maxaad Iigu Sheegin Oo Aad Adigu Kaligaa Howsha Isaga Wadatay?

Waxay Igu Dhahday Maxaad Sameyn Laheyd?

Waxaan U Shegay Inaan Ka Diidi Lahaa Iney Sawira Iga Qaadato,

Waxay Dhahday Ilaahbaa Mahadle Hadii Maanta Aanu Wada Socon Laheyn Waxad Ku Dhiman Laheyd Horteyda Waliba Sababteyda Marka Ilaah U Mahad Celi Igana Raali Ahaaw.

Intaan Sii Kululaaday Ayaan Kujawaabay “Waa Kee Midka Idilaya Anigoo Sheeganaya Inan Ahay Xaajigaada”?

Waxay Dhahday Ilaa Iyo Hada Oo Aan Sawirada U Diray Muu Qancin Dhowr Marna Wu Iga Codsaday Inaan Iskiin Hor Keeno Ee Miyaan Kuu Kaanaa  Hadaba?

Jees Jeesi Dheer Kadib Ayaan Ug Jawaabay Waxaa Iyo Wax Lamida Mar Danbe Ha Igu Sameyn.

 

 


Post a Comment

0 Comments