DARDAARAN jaceyl

Dadka taan ka doortay
Dawadii nafteydaaay
Anba waan dareemaa
Jaceylkeena doorkaaa
Waxse dood madiidaa
yaan kuba dareensiin

Dar allee macaaneey
Wuxuu daain naga dhigay
Labaaan daar koley tahay
Degmo aan kunooleyn
Dabar uu dhexyaalloo
Kala jira daliyo dacal

Kolkaan duulo ee tago
Degmaad kunooshiyo
Halkey derintu kuu taal
Samadaa dusheediyo
Dayaxaan degeynaaa
Jaceylkeena duur galay
Dusha saaraneynaaa

Aroos lagu dakeeyoo
Dadku ey jeclaadaan
Dunidana kacaaanoo
Diirsanbaan dhigeynaa
Dar allee macaaneey
Mudo ii dulqaadoo
Dadku yaaney maqal jeer
Doodaaa dhexdeeeniyo
Oraahyada inoo dedan

Nacab dabinna aasoo
Darxumada yaqaanoo
Misna diradiraalaa
Yaa jiree dareenoo
Hala doodin goornaba
Cidna sheeka daabacan
Ha u dirin fariimaha

Dibnahaada xira oo
Isha waxaad ka diidaa
Doqon soo deneystiyo
Ruux su,aaala doonoo
Aqalkeenna dumitiis
Wacadkeen udaba jara

Inkastoo dad laayoo
Qeys dilay Leylana diray
Cilmi uu ku darayoo
Dadkii hore dhamaadeen
Waxaan kaaga digayaa
Inuu adna ku dabo oo
Diiwaaan kugeliyoo
Lagu duugo goor gore

Jaceyl daawa Male oo
Marbuu doon ku saaraa
Adigoon dabaal barman
Badda daakhilkeediyo
Ku dhigaa daleel maran
Saaxiib daacadoo wacan
Yuu Dira diraaliyo
Kaaga dhigi mid kuu daran

Marbuu daqar walaaliyo
Dadkaleeto dhiigii
Dibnahaada surayaaa
Dabadeed daruufiyo
Kubadaa Danuub daran
Misna duni kudhaafshaa

Waxba yaanan doodine
Hadal waxan Ku dabarjaray
Nin jaceylku daashaday
Dumar kale waqii arag
Dadweynuhu yaqaanaan
Inuu adi Ku doonoo
Waxan ahay Ku daawada

Post a Comment

0 Comments