Farxadii Farxadu Dabooshay


Marka aad eegto una fiiriso si ka duwan sida dadku u arkayaan waxaa kaaga soo baxaya
Arin kaweyn kan bulshadenna loo soo gudbiyay

Bal fiiri sawirka wiilasheenu waa ey faraxsanyihin  taasoo mida ugu muhiimsan agtooda ey tahay mid walbaa sidii u muujin lahaa daren soo jiidasho leh  waa u farxad  iyo xasuus iney galaan sawirkaa,

Balse ma ogtahay in daremkodu waxa uu turjumaayo  wax kaweyn ama qiimo kasareya uu ugu fadhiyo ninka cad ee kula jira sawirka bal eeg gadaashiisa waxaa yaala 6 calan oo ku kala magacaaban,

Somaliland , puntland, galmudug,hirshabeelle , jubbaland iyo koofurgalbed   haba ahadaan Calamadenna laakiin mayaa laga waayay hal qof oo is dhaha calamadan qari oo halmid ee soomaaliya soo saar meesha, mase laga yaabaa in qofka kaamerolaha oo yahay Soomaali?

Hadii jawaab u dhiganta "Haa"  aan isku raacno waxay ka dhigantahay (200%) in boqolkiiba laba boqol aan nahay dad damiir ahaan dhintay.

Hadii maalmaha , Bilaha , sanadaha  soo socda la baaro madxafyada yurub iyo america waad ku arki dintaan sawirka meeshaa ka muuqda,
Waayo ninkaan wuxuu geyn doonaa inaan nahay dad 100% ka dhintay damiirka oo aan marnaba soo laaban doonin.

Waayo qiyaas ahaan somalida maanta jirtaa (45%) afartan iyo shan boqolkiiba waa dhaln yaro kayar 30 sano,
Halka (35%) sodon iyo shan boqolkiba ey tahay dhalin yaro kayar 50 sano,
Ugu danbeynna (25%) Labaatan iyo shan biqolkiiba ey tahay Dad Cumrigoodu Horay u batay.

Taaso oo kadhigan 75% in dadka somaliyed ee qarnigan nool ey yihiin kuwo haba yaraadee aan laheyn feker iyo han toona,

Wey iska cadahay inaan sanadaha xiga unoolaan doono qaabka martida oo aan Dadnimadenna , Dalkeenna iyo Diinteenaba dad kale u hoos fariisan doono,

Waayo Ogaalka waxan ka nahay hal qowmiyad layiraahdo soomaali
Lakin u dhaqanta sida kun qowmiyadod,

DIINTU NAMA CELISO

XEERNA MALIHIN NA QABTA

DADNIMADANA WAN ISKU NACNAY
Aan aragno halka eynu  ahaano  mustaqbalka Haray inta nool.

W/Q: Mohamed Nure 

Post a Comment

0 Comments