SHIIBAAM MAGALADII QADIIMIGA IYO DHOOBADA


 Waxaad ku nooshahay wadan dhul gariirku ku soo noqnoqdo, 

isla markaasna waxaad tahay nin nasiib badan, sidaa darteed waxaad ka shaqeyneysaa dabaqa 100aad ee Xarunta Ganacsiga Adduunka ee New York.
  Si lama filaan ah, iyada oo aan la ogeyn  dhismaha ayaa kugu ruxmaya,
waxaad ka eegaysaa daaqadda waxaadna arkeysaa wax kasta oo burburaya waad qaylineysaaa balse laguma maqlayo ruxanka awgii ,
Waxad u ordeysaa wiisha balse korontadaba waa u jaray,
Waxaa aad dhibanw u noqotay  casriga iyo dhismayaasha dhaadher

Cirkoo loo tahriibaa  cadow kaama reebtoo cabsi weeye joogta ah

Waxay u muuqataa in riyada aadanaha ay waligeed la xiriirtay duulimaad,
Iyo waliba u kicidda xagga sare  waxase ugu horreeysay fikrada ah in la dhiso guri ka kooban laba dabaq iyo xitaa in ka badan haddii ay suurtagal tahay,

Taasoo aheyd mid guuleysatay 
Tusaale ahaan dalka Yemen, waxaa kutaallo magaalo dhan oo ey  buuxiyen  dhismayaal dhaadheer oo qaarkood ay ka dheer yihiin  shan ilaa toban dabaq,

Laakiin maxaad u maleyneysaa haddii aan kuu sheego in la dhisay qarnigii siddeed iyo tobnaad oo xitaa koronto ama wiish aysan jirin?


MADIINATU SHIIBAM

[  ] Dhismaheeda dhoobada ah ee dhaadheer waa sirta mucjisadeeda

Magaaladani waxay caan ku tahay dhismayaasha dhoobada ah ee  dhaadheer,
kuwaas oo taarikhaha qaar ey qoraa  in la dhisay qarnigii lix iyo tobnaad ee AD,

maaddaama cilmi-baareyaasha qadiimiga ahi ay u tixgeliyaan mid ka mid ah tusaalayaasha ugu da'da weyn uguna wanaagsan ee  dunida ka jira,

Taariikhyahanadu waxay aamminsan yihiin in dadkii ugu horreeyay ee degay dhismayaasha  ey ahaayeen sheekhyada: reer Baabid, reer Bajrash iyo qoyska Aqabah,

waxayna miciin bideen inay dhistaan ​​guryahooda dhoobada ah ee dhererkan weyn leh,
si looga badbaadiyo dadka deegaanka weerarada. reer baadiyaha ah, oo weerari jiray Shibam kana dhici jiray hantida.

Balse Waxyaabaha cajiibka ah ee ku saabsan magaaladan qadiimiga ah ayaa ah
in aysan jirin magaalo kale oo sidaa looga garanayy isticmaalka dhismayaasha dhererkoodu aadka u  sareeyo,

نا طحات السحابه

QAABABKA ADUUNKUBULA FAL GALAY

Marka la fiiriyo qiimaha taariikhiga ah iyo qaabdhismeedka gaarka ah,

UNESCO waxay ku dartay magaalada Shibam Liiska Dhaxalka Adduunka 1982,
ka hor 2015, waxay magaalada gelisay liiska Goobaha Hidaha Adduunka ee Khatarta ah.

Iyada oo ay waxaas oo dhami jiraan,
dadka deggan Shibam waxay rumaysan yihiin in magaaladoodu sii jiri doonto qarniyo soo socda,

kamana cabsanayaan dhimashadeeda, waxayna aaminsan yihiin inay awood u leedahay inay iska caabbiso cimilada iyo daadadka sidii ay ula soo kulantay boqolaal sano kahorba.

ماهي فوئد و اضرار ناطحات السحابه

Majirto wax faa'iido ah oo ey leedahay bal khatarteda ayaa kabadan
waayo wax walba oo halis ee kuyimaada dhismayaasha dhaadheer waxa aad u tahay dhibane
Waxaan suurta gal ah inuu kula dumo misana aad ku xayiranto  taasoo ah mid an waxyeelladeda laga kabsan karin.

Sida la isku raacay  faa'iidadeda ayaa kayar  khasaaraheda   hadana waa lajecelyahay.

W Q::mohamed Nure warsame.

Post a Comment

0 Comments