MAANSADII RAMADAAN

Ramadan ninkii sooma ee saliga joogteeya

Ee sujuudana badshee sadaqa dhiibaaya

Sahal wuxuu soomaraa siraadka naareede

Saqiir iyo waxaa laga dhigaa saafi culamaahe

Allahayow samaanteena badi suubiyaa tahaye

Sodon maalin ninkii soor kataga sowdka xumaho dhan

Qalbigana saliimyeela oo qalad ka soo jeesta

Sayigana islaam raaca oo diinku saameeyo

Saahid iyo waxaa laga dhigaa saalim nabad galaye

Allahayow samantena badi suubiyaa tahaye

Suuradaha qur'aankiyo ninkii sunaha joogteya

Aayadaha samaantale ninkii qira u saaxiiba

Cibaadada ninkii saata ee siira_badan gooba

Saalix iyo waxaa laga dhigaa saabir aan dhimane

Allahayow samaanteena badi suubiyaa tahaye

Ramadan ninkii seexda ee soonka kari waaya

Salaadaha ninkii gooya suuqa mulacyeeya

Safiihnimo ninkey qaado seega marin toosan

Socod xume siraadkaa la go'a saan ogsoonahaye

Mid saqiran allahayow kayel suubiyaa tahaye

Sebenada ninkaan sahal kugaran seefta danabeysan

Saacadiyo ninkaan sina ugaran sida danbeyneysa

Sahwiyadu ninkey qaado ee laba socdaaletahaye

Fahan xume saciiroow gelaa saan isleeyahaye

Mid saqiran allahayow kayeel suubiyaa tahaye

Ninmuu sakaraadku kusoo degee malagu soo doonay

Ee saanignimo u go'ay dumarna saameeyay

Su'aalaha qabriga kolkii sowdku soo gaaro

Jawaabaha ma sixi karo xaqiiq saan isleeyahaye

Mid saqiran allahayow kayeel suubiyaa Tahaye

Post a Comment

0 Comments